Dhimashada ayaa kor usii socota dalka Filibiin kadib markii mid ka mid ah diyaaradaha milatariga ee waawayn ee dalkaasi ay dhulka usoo dhacday kadibna burburtay.

Illaa 29 qof ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda halka in ka badan 50 kalana ay ku dhaaawacmeen burburka diyaaradda, waxaana bukaanada qaar ay qabaan dhaawacyo halis ah. 

Diyaaradan milatari ayaa marka ay safraysay la xaqiijiyay in ay saarnaayeen 92 qof oo u badnaa milatari, loo waday deegaan kale.

Delfin Lorenzana, xoghayaha gaashaandhiga ee Filibiin, ayaa sheegay in diyaaradda oo ahayd nooca xamuulka milatariga qaada ay isku dayaysay in ay cago dhiagato jasiiradda Jolo ee gobolka Sulu ee kjoonfurta dalka Filibiin, waa dal dhaca koonfurta bari ee qaaradda Asia.

Illaa 40 askari ayaa laga badbaadiyay dabka qabsaday diyaaraddu markii ay dhacday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga