OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Tartanka Orodka Gaaban Mini Marathon Oo Ay Ka Qeybgaleen 500 Oo Orod-Yahay Oo Ka Kala Socday Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Dawladda Fedraalka Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye Ayaa Sheegtay In Tartankan Uu Qeyb Ka Noqonayo Munaasabada Maalinta Nabada Iyo Sportiga Aduunka Oo Sida Ay Hadalka U Dhigtay Noqonayo Markii Labaad Oo Muqdisho Laga Maamuuso Tan Iyo Markii Ay Xilka La Wareegeen.

Orod-Yahanka Soomaaliyeed Cabdi Bili Cabdi Oo Ka Qeybgalay Tartanka Ayaa Sheegay In Uu Soo Dhaweynayo In Uu Arko Tartan Oo Noocan Oo Kale Ah Oo Lagu Qabanayo Somalia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga