Dalka Talyaaniga ayaa la daalaadhacaya saamaynta caabuqa Covid-19 oo xaalad aanu waligii waddanku galin ku riday.

Gobolka Lombardy oo ah gobolka ugu dhimashada iyo mashaqada badan guud ahaan Talyaaniga ayaa lagusoo rogay awaamir adag oo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka. Waxa la mamnuucay bixitaanka dadka ee meel aan ahayn guryahooda, iyadoo boolis badan lagu daadiyay magaalada dhexdeeda.

Maalintii Sabtida oo kaliya ayay dad ka badan 800 oo qof ku dhinteen Talyaaniga, iyadoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 4,825 qof. Waa waddanka ugu dhimashada badan caabuqa guud ahaan caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga