Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani ayaa sheegay inuu rajeynayo in la qaado tallaabooyin lagula dagaallamayo faafitaanka cudurka coronavirus ee aadka u faafa, oo ay ka mid tahay kala fogeynta bulshada, iyo in la fududeeyo faafitaanka cudurka labada illaa saddexda toddobaad ee soo socda, Isaga oo ku eedeeyey “kuwa kasoo horjeeda kacaanku” inay isku dayayaan bakhtiinta dhaqaalaha dalkaasi.

Madaxwayne Xasan Rooxaani, ayaa sidan ku sheegay khudbad uu telefishanka ka jeediyay Sabtidii in waddankiisu “ay tahay inuu wax walba sameeyo” si dhaqdhaqaaqyadii dhaqaalaha loogu soo celiyo sidoodii caadiga ahayd.

Iiraan, ayaa waxay ay ka mid tahay, dalalka uu sida wayn u saameeyay cudurka Coronavirus, iyadoo dhimashada rasmiga ah ee la xaqiijiyay inay cudurkaas u dhinteenna ay ka badan yihiin uun dalalka Shiinaha iyo Talyaanigu.

Maalintii Sabtidii, warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Iiraaniyiintu sheegtay, ayaa tirada dhimashadu sii korodhay in kabadan 100 ilaa 1,556, halka tirada guud ee dadka uu cudurku ku dhacayna ay ahaayeen 20,610, tirada dadka ka bogsaday Coronavirus guud ahaan dalkaasi, ayaa ah 7,635 qof.

Iiraan, ayaa la baaxaa degaysay sanado badan oo cunaqabateyn-dhaqaale ah, taas sii xumaysay rejada markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sannadkii 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran ay la saxiixatay quwadaha adduunka.

Ka bixidda heshiiska uu Trump ka baxay, iyo kusoo rogidda cunaqabatayno culus, ayaa Iiraan ka dhigay dal aan soo iibsan karin qalab-caafimaad oo aad ugu baahnayd xilli cudurka COVID-19 uu aad ugu fiday dalkaasi.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga