Dawladda Talyaaniga oo kaashanaysa hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa si wada jira cisbitaal cusub ugu dhisaya ciidamada xooga ee dalka Soomaaliya.

Cisbitaalka ayaa yeelan doona 68 sariirood iyadoo si casri ah loo qaabayn doono, wuxuuna ka mid noqon doonaa cisbitaalada u gaarka ah ciidamada Soomaaliya.

Mashruuca lagu dhisayo dhakhtarkan cusub ayaa qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo ay fulinyaaan AMISOM kaas oo loogu talo galay soo-kabashada Soomaaliya, waxaana lagu dhisayaa iskuulo, cisbitaalo, iyo ceelal biyood oo nadiif ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga