Raysalwasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay ‘in ciidamada Tigrayga ay ka barbar dagaalamayaan ciidamo kale oo shisheeye oo taageero siinaya’, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Abiy Axmed muu sheegin cidda ay yihiin ciidamada dagaalka ka taageeraya Tigrayga ee uu eedihiisa ku daray, iyo dalka ay ka yimaadeen midna.

Waa khudbadii ugu horaysay ee Abiy uu jeediyo tan iyo markii deegaanada Dessie iyo Kompolcha ay qabsadeen ciidamada Tigraygu, wuxuuna ku doodayaa in ciidamo caddaan iyo madaw ahi ay dagaalkaas ka gacan siiyeen Tigrayga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga