Dawladda Maraykanka ayaa xaddigii ugu badnaa ee ah tallaalka Covid-19 gaadhsiisay dalka Soomaaliya, waana tallaalka Pfizer.

286,650 oo xidhmo ayay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballan qaad ay dawladda Maraykanku samaysay oo ahaa in ay dunida gaadhsiin doonto tallaalka Covid-19, si fayraska dunida looga yareeyo.

Soomaaliya ayaa ka mid ah saaxiibada Maraykanka ee uu saameeyay fayraska halista badan ee Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga