Wararka ka imanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sheegay in maanta halkaasi lagu caleema-saarayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay  madaxwayne 15-kii May 2022.

Caleema-saarkan ayaa waxaa ka qayb-galaya masuuliyiin isugu jira madaxwayneyaal iyo raysal-wasaareyaal ay kamid yihiin madaxwayneyaasha madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan masuuliyiin ka kala socda dalalka, Qatar, Turkey, Sacuudiga, Imaaraadka carabta iyo  waddamo kale, sida ay ku warramayso  warbaahinta Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga