Hay’adda Blue Marine Foundation ee ka shaqaysa arimaha la dagalanka kallumaysiga ayaa shaaca ka qaaday in maraakiibta Midawga Yurub ay xaalufis ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Waxa la ogaaday in maraakiibta wadamada Faransiiska iyo Spain ay si aan sharciga waafaqsanayn uga kallumaystaan biyaha Soomaaliya, iyadoo hay’adda Blue Marine Foundation ku lammaanaysay sawiro muujinaya marakiibta qaar.

Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayay ku war galisay hay’addu iyadoo aanay jirin wax sharci ah oo maraakiibtu ay haystaan.

Waxa heshiisyo hoose oo ka dhexeeya shirkadaha qaar iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya balse ma aha kuwo fasaxaya ama qeexaya kallumaysiga badda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga