Wararka uu Saab TV ka helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in goordhawayd qarax ka dhacay magaaladaasi uu ka badbaaday taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa mid uu waday qof isa soo miidaamiyay, kaas oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil katirsan militariga Soomalaiya.

Inkasta oo ay soo baxayaan wararka sheegaya in taliyuhu ka badbaaday weerarkaas, haddana wali ma jiraan xogo madax bannaan oo sheegaya khasaraaha qaraxaasi lala damacsanaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga