Warmurtiyeed laga soo shirkii wada tashiga dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa loogu mahadceliyay shacabka iyo dawladda Galmudug.

Dood iyo wada xaajood dheer kadib, ayaa waxaa kasoo baxay:

1. In la xoojiyo iskaashiga dawlahada xubnaha ka ah dawladda federaalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

2. In doorashada dawladda federaalka Soomaaliya ee 2020-2021, ay ku dhacdo wakhtigeedii oo aanay imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay guddoomiyaha guddida doorashooyinka dalku, dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaa darteed, waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay nooc ahaanna ku dhici karta muddo xileedka hadhsan.

Shirku wuxuu ku baaqayaa in madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Raysal-wasaaraha, iyo madaxwayneyaasha xubnaha ka ah dawladda federaalku, ay shir wada tashi ah isku yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta qabsoomidda doorashooyink dalka 2020-2021, iyagoo sidoo kale ku baaqay inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dawladda Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga