Raysalwasaarihii is casishay ee dalka Sweden ayaa mar kale loo cimaamaday in ay hogaamiso Swden, mid ka mid ah wadamada ugu hodansan dunida.

Magdalena Andersson waxay raysalwasaare noqonaysaa mar kale muddo hal todobaad gudaheed ah, iyadoo markan soo dhisi doonta dawlad la filayo in ay taageero ka hesho baarlamanka.

Guusheedu markan waxay ahayd mid codad yar kusoo baxday waxayna samayn doontaa dawlad laga leeyahay aqlabiyadda oo ka kooban xisbigeeda oo kaliya, waxaana hore is bahaysiga uga baxay xisbiga ay la midawday dawladdii hore.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga