Madaxweynihii hore ee Maraykanku wuxuu faafiyay dhukumantiyo badi lagu sheegay kuwo been ah oo ka dhan ah gabadha asal ahaan Soomaaliga ah re Ilhan Cumar, kana tirsan baarlamanka Maraykanka.

Donald Trump wuxuu sheegay in Ilhan Cumar ay takoortay dalka ay asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in ay raali gelin bixiso.

Eedaymo kale oo culus ayuu Donald Trump ku qoray warka uu faafiyay maalintii Salaasada. Waxa ka mid ah in Ilhan ay guursatay walaalkeed markii ay imanaysay Maraykanka, in ay samaysay musuq socdaal iyo mid doorasho, in ay burbur u rajaysay Israel iyo in ay dalkeeda waa Soomaaliya e’ oo aan dawlad lahayn ay takoortay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Trump ayaa lagu sheegay mid aan weli kasoo kaban guul daradii doorashada.

Ilhan Cumar waxay beenisya dhammaan eedaymaha loo jeediyay xili ay Trump kaga adkaatay doorashadii hore oo murashaxii uu Trump watay ay ka adkaatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga