Suxufi u dhashay dalka Sacuudiga ayaan dib loo arag tan iyo markii uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, horraantii toddobaadkan.

Jamal Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargyeyksa Washington Post, ayaa si dibad-joog oo iskiis ah ugu noolaa dalka Mareykanka tan iyo sanadii tagtey markii mas’uuliyiinta Sacuudiga ay billaabeen inay aamusiyaan codadka mucaaradka.

Suxfigan ayaa aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Khashoggi ayaa qunsuliyadda galay maalintii talaadada si uu uga soo qaato warqado la Xidhiidha meherkiisa.

Gabadh jaceylkiisa ahayd ayaa ku sugeysay bannaanka qunsuliyadda, hase yeeshee Khashoggi dib ugama soo bixin dhismaha, sida ay sheegtay.

Waxa ay mas’uuliyiinta Turkiga ku war-gelisay in la la’yahay, waxayna u yeedheen safiirka Sacuudiga. Warbaahinta ayaa sheegtay in safiirka uu la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Turkiga, arbacadii.

Kadib kulanka ayaa Saudi Arabia waxay beenisay inay xidhyay Suxufigaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga