Digniin xagga Caafimaadka ah ayaa ka soo baxaya dalka Indonesia,kadib Markii meydad badan laga soo saaray burburkii ay sababeen dhulgariirkii iyo Sunaamidii ku dhuftay dalkaasi.

Sida laga soo xigtay maalinimadii shalay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee Indonesia,ayaa ka digtay in dalkaasi uu faraha la galo xaalad caafimaad darro,iyadoo ay sii badanayaan meydadka laga halayo burburka qashinka.

Gargaarka biniaadanimo iyo gurmadka kale ee la doonayo in lagu soo saaro dadka ku hoos jira burburka hoostiisa ,ayaa muddo todobaad ah ka socda Jasiiradda Sulawes,gaar ahaan magaalada Palu oo ah halkii uu ka Bilaabmay dhulgariirkaasi.

Tirada dhimashadda ayaa mareysa 1,571,halka 70,000 oo Guri ay ku burbureen ama wax ku noqdeen dhulgasriirkii iyo Sunaamidii ku dhuftay Jasiiradda Sulawesi,kadib markii 28-kii bishii hore dhulgariir gaadhaya 7.5 uu ku dhuftay dalka Indonesia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga