Guddida Bixisa Biladda Nabaddda Ee Nopel, Ayaa Sannadkan 2018 Waxa Ay U Magacowday Laba Qof, Oo U Dooda Ka Hortagga Kufsiga, Ee Xiliyada Dagaalka. Labadan Qof Ee Ku Guulaystay Biladda Ayaa La Kala Yidhaahdaa, Maria Murad, Oo Ka Soo Jeedda Dalka Ciraaq Iyo Dir. Denis Mukwege, Oo Isna Ka Soo Jeeda Dalka Koongo.

Labada Shaqsi Ayaa Ah Laba Qof Oo Dalalkooda Ka Sameeyay Olole Ay Kaga Soo Horjeedaan In Galmada Loo Adeegsado Hub Ahaan, Gaar Ahaan Xilliyada Dagaalka. Labada Qof Ayaa Ka Soo Kala Jeeda Laba Dal, Oo Ay Ka Jiraan Dagaallo, Waa Cirraaq Iyo Kongo Ee.

Nadia Muraad , Ayaa Ah Haweenay Ka Soo Jeedda Qawmiyadda Al Yasiidi, Ee Ku Dhaqan Dalka Ciraaq, Waxaana Muddo Ay U Afduubnayd Ururka Dawladda Islaamka, Laakiin Markii Dambe Waa Ay Ka Baxsatay.

Biladdan Oo Ay Ku Tartamayeen 331 Qof, Oo Isugu Jira Hay’addo Iyo Shaqsiyaad Ayaa Waxa Guulaystayaasha Lagaga Dhawaaqay Caasimadda Norway, Ee Oslo. Berit Anderson, Oo Ah Agaasimaha Daladda Nopel, Oo Ku Dhawaaqday Ayaa Sheegtay In Labadan Qof Sababta Loo Siiyay Ay Tahay, Dadaalka Ay U Galeen Sidii Loo Soo Afjari Lahaa Kufsiga Loo Adeegsado Hub Ahaanta Xiliyada Dagaalka.

Naadiya Muraad, Oo Ah Gabadh 25 Jir Ah, Ayaa Waxa Muddo 3 Bilood Loo Haystay Afduub, Iyada Oo Loo Gaystay Kufsi Iyo Dhibaatooyin Kale. Naadiya, Ayaa Waxaa Ay Qaadday Olole Ay Kaga Soo Horjeeddo Dadka Wax Tahriibiya. Sannadkii 2016 Ayaa Ay Ku Guulaysatay Billad Ay Bixiso Hay’adda Xuquuqda aadanaha Ee Human Wrights Watch.

Denis Mukwege, Oo Ah Dhakhtar Haween, Ayaa Waxa Uu Ku Guulaystay Bilado Badan Oo Ay Bixiyaan Hay’addo Iyo Dalal Dunida Ah, Waxaana Uu Biladahaa Ku Mutaystay Daawayn Jidh Iyo Maan Ah, Oo Uu U Qabtay Haween Loo Gaystay Kufsi Iyo Jidh Dil. Waxaana Uu Ku Nool Yahay Deegaanada Dagaaladu Ka Socdaan Ee Dalka Kongo. Cisbitaal Uu Ku Leeyahay Deegaanada Ay Joogaan Ciidadamada Nabad Ilaalinta Ee Ku Sugan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga