Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee dalka Sudan ayaa bilawday wadhadalo cusub oo ay la galayso kooxaha kasoo horjeeda ee fallaagada ah. Wada hadalka ayaa ka bilaabmay magaaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Sudan, waxaana marti galinaya madaxweyne Salvakir.

Heshiiskii ay wada gaadheen kooxaha mucaaridka iyo milatariga Sudan ayay ku jirtay in wada hadal lala furo kooxaha kasoo hor jeeda dawladda, si loo dhiso mustaqbalka dawlad ay cid waliba ku qanacsantahay.

Sudan ayay xaaladdedu degantahay, iyadoo si gaabis ugasoo kabanaysa rabshadihii bilaha ka taagnaa waddanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga