War kasoo baxay wasaaradda maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixin uu dhawaan soo saaray hantidhawrka guud ee Soomaaliya.

Warbixinta hanti-dhawrka ayaa lagu sheegay in lacago malaayiin doollar ahi ay ka maqanyihiin khasnadda dawladda, isla markaana aan la waafajin hanaanka dakhli ee dawladda, laguna xusin warbixinaha maaliyadeed ee soo maray hanti=-dhawrka.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle, oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in aanay waxba ka jirin warbixinta hanti-dhawrka, isagoo intaa ku daray in ay wanaagsanaan lahayd in lagala tashado warbixinta ka hor inta aan la daabicin.

Hanti-dhawrka Soomaaliya yo wasaaradda maaliyadda ayaa u muuqda qaar isku khilaafsan warbixinta oo lagu muujiyay mad madw badan oo ku jira hanaanka lacagaha ee dawladda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga