Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Casbdinuur Maxamed Axmed, ayaa si adag uga hadlay sawiro maalintii shalay ahayd lagusoo bandhigay is-goyska 14 October (Soobe) kuwaas oo muujinayay gawaadhi lagusoo xardhay sawirada ra’iisulwasaaraha iyo madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Sawiradan ayaa si wayn looga hadal hayay baraha bulshada tan iyo markii la baahiyay maalintii shalay ahayd, oo ku beegnayd sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay qaraxii lagu hoobtay ee 14 October, 2017 ka dhacay is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Hadalka agaasimaha ayaa u dhignaa sidan “Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga