Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubayr ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarradii gantaalaha ee ay maalintii Arbacada ahayd Iiraan ku qaadday saldhigyo Militari oo kuyaalla dalka Ciraaq kuwaas oo  hoy u ahaa ciidamada Maraykanka.

Caadil Al-Jubayr, ayaa warbaahinta lahadlay isagoo kusugan magaalada Prague ee caasimadda dalka Czech Republic halkaas oo uu ku marayo booqasho diblumaasiyadeed oo joogto ah.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald J. Trump iyo hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Ayatullaahi C. Khumayni.

Mar uu ka hadlayay mawqifka Sacuudi Carabiya, wasiiru-dawladaha arrimaha dibadda ee Sacuudi wuxuu sheegay in dalwadda Sacuudi Carabiyaa taageerayso Maraykanka, xaqa uu u leeyahay inuu naftiisa difaaco, balse waxaa uu dhinacyada ugu baaqay in xaaladda gobolka la dejiyo.

Al-Jubayr ayaan is-illowsiin khasaaraha uu keeni karo dagaal, isagoo yidhi ‘’Waxaynu wada aaminsannahay inaynu iska dhaafno wax kasta oo xaaladda sii kicin kara’’ waxaanu xusay inay taasi dhaawac ku keenayso dhammaan xubnaha oo dhan.

Al-Jubayr, ayaa sidoo kulankan uu saxaafadda kula hadlay tixraacay heshiiska nukliyeerka Iiraan, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid cillad leh qaabka uu imika yahay, kaas oo uu sheegay inay tahay in wax laga bedelo.

Heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan, ayaa waxaa hore uga baxay dalka Maraykanka, halka ay weli baaqi kusii yihiin quwadaha kale ee adduunku.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargyeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga