Suldaan Qaboos oo ahaa hogaamiyihii dalka Cummaan ayaa geeriyooday kadib kadib muddo uu xanuun u jiifay.

Qaboos oo ahaa 79-jir ayaa ahaa ninka ugu xukunka dheer dunida carabta waxaanu u talinayay Cummaan tan iyo sanadkii 1970-kii.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa laga dawaynayay xanuuno asiibay, iyadoo loo qaaday dalka Belgium.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la magacaabo Suldaanka xigi doona maadaama aanu isagu wax caruur ah dhalin, isla markaana aanu guursan wax haween ah.

Suldaan Qaboos waxa lagu xasuustaa in Cummaan uu ka dhigay waddan casri ah, isla markaana nolosha dadka kor u qaaday. Balse dadka qaar ayaa ku dhaliila in aanu saaxad siinin dadka kasoo hor jeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga