In ka badan 220 muhaajiriin ah ayay ciidamada xeebaha ee waddanka Libya kasoo celiyeen badda Mediterranean-ka halkaas oo ay kusii jeedeen dhanka qaaradda Yurub iyagoo ka gelaya xeebaha Talyaaniga.

Dadkan waxa ku jiray 30 dumar ah iyo caruur kor u dhaafaysa 20 caruur ah.

Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in ay dadkan gaadhsiin doonto kaalmooyin caafimaad, isla markaana ay si dhaw ula socon doonto xaladdooda.

Waxa looga cabsi qabaa in ay mar kale dadkani ku laabtaan goobaha ay cooladdu ka socoto ee magaalada Tripoli, halkaas oo boqollaal muhaajiriin ah hore loogu laayay xeryo ay ku jireen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga