Ka hor heshiiska taariikhiga ah ee ay wada gaadheen dalalka ugu waawayn ee soo saara saliidda dunidu, Sacuudi Carabiya ayaa la saadaalinayaa inay iibin doonto qiyaastii 600,000 oo  foosto oo saliid qaydhin ah maalin walba.

Saliiddan, ayuu Sucuudigu ka iibin doona dalka ay xulafada yihiin aadkana iskugu dhow yihiin ee Maraykanka sida ay qortay mareegta Bloomberg.

Mugga maalin laha ah ee ay boqortooyadu iibin doonto inta lagu gudo jiro bishan April, ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonto tii ugu badnayd muddo sannad ah sida uu mareegta Bloomberg u sheegay masuul sare oo kamid tirsan shirkad shidaalka sifaysa oo laga leeyahay Maraykanka.

Warbixin hore oo soo baxday ayaa sheegtay in soo saarista saliidda Sucuudigu intan ka badan doonto, sida laga soo xigtay CNBC, daabulidda maraakiibta shidaalka ayaa la jibaarmay intii lagu guda iray bilihii February iyo March, taas oo saliidda maalin laha ah ee laga soo saaro Sucuudigana kor ugu qaadday 366,000 oo foosto, gaadhsiisayna 829,540 foosto.

Xaddigaas, oo ahaa kii ugu badnaa illaa bishii Diisamber sannadkii 2018-kii.

oTelefishanka CNBC, ayaa sheegay in saliidda Sucuudiga laga raray ee la geeyay Maraykanka oo keliya ah bishii March ay dhammayd 25 Million oo foosto.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga