Madaxii shaqaalaha ee xafiiska madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Burari, ayaa geeryooday kadib markii uu haleelay xanuunka Coronavirus sida ay sheegtay madaxtooyada Nigeria maalintii Sabtidii.

Xafiiska madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa shaaciyay geerida Abba Kyari oo lagu tilmaami jiray ilaaliyaha xafiiska madaxwaynaha dalka ugu dad tiro badan qaaradda Afrika.

Xafiiska madaxwaynaha Nigeria ayaa sheegay inuu la il darnaa xanuunka Covid-19 lana siinayay daawayn, balse uu geeryooday xilli dambe maalintii Jimcihii oo ay bisha April ahayd 17.

Kyari, ayaa ahaa da’aadda 70, waana masuulkii ugu sarreeyay ee u geeryooda cudurka Coronavirus dalka galbeedka Afrika kuyaalla ee Nigeria, kaas oo laga xaqiijiyay 493 Kiis, halka ay u geeryoodeen 17 kiis sida ay sheegtay xarunta xakamaynta cudurrrada ee dalkaasi.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga