Sucuudigu wuxuu rejjo wanaagsan ka muujinayaa xal laga gaadho khilaafka afar sanno jirsanaya ee u dhaxeeya qaar ka mid ah wadamada Khaliijka Carabta.

Wasiirka arimaha dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa isagoo ku sugan magaalada Washington wuxuu sheegay in laga heshiin doono go’doominta Qatar ay saareen wadamo uu Sucuudidu ugu horeeyo oo afar ahaa.

Sanadkii 2017, Sucuudiga oo ay weheliyaan wadamada Imaaradka Carabta, Baxrayn, iyo Masar waxay xidhiidhka ganacsi iyo diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar. Iyagoo sidoo kale go’doomin ka saaray dhinacyada badda, dhulka iyo cirkaba.

“Waxaanu rabnaa in xal la gaadho” “waxaan rajaynayaa in aanu la hadalno walaalahayaga reer Qatar, iyagana waxaanu ka filaynaa sidaa si la mid ah” ayuu yidhi amiir Faysal bin Farxaan, wasiirka arimaha dibadda ee Sucuudiga.

Dawladda Maraykanka oo labada dhinac ee is hayaba xulafo la ah ayaa rabta in heshiis la gaadho, lana soo afjaro go’doominta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga