Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Arbacadii amar ku bixiyey in bandow habeenkii ah lagu soo rogo Paris iyo siddeed magaalo oo kale oo Faransiiska ah si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19 ka dib markii heerarka caabuqa cusub ee maalinlaha ah ay kor u kaceen.

Wareysiga telefishanka laga sii daayay, ayuu Macron ku sheegay in dadka deggan magaalooyinkaas – oo marka la isku daro ay ku nool yihiin meel u dhow saddex meelood meel dadka Faransiisku – aan loo oggolaan doonin inay bannaanka u baxaan inta u dhexeysa 9ka fiidnimo (1900 GMT) iyo 6am (0400 GMT) laga bilaabo Sabtida, illaa muddo ugu yaraan afar todobaad ah, marka laga reebo sababo muhiim ah.

“Waa inaan wax qabanaa. Waxaan u baahanahay inaan xakameyno faafitaanka fayraska,” ayuu yiri Macron, isagoo intaa ku daray in tallaabadani ay joojinayso dadka booqanaya maqaayadaha iyo guryaha gaarka loo leeyahay fiidkii iyo habeenki dambe.

“Waa inaan la macaamilnaa fayraskan illaa ugu yaraan xagaaga 2021,” ayuu yiri Macron, isagoo leh “saynisyahannada oo dhan” ayaa isku waafaqay qodobkaas.

Waxa uu sheegay in kiisaska cusub ee coronavirus maalin kasta la soo dejiyo “3,000 ama 5,000”, marka loo eego heerarka hadda jira.

Marka laga soo tago Paris Macron waxaa uu xusay 8 magaalo oo kale. Taas macnaheedu waxa weeye in ku dhowaad 20 milyan oo qof ay saameyn ku yeelan doonto tirada guud ee dadka ku nool 67 milyan.

Dhanka dalka Maraykanka Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday.

Melina ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Dalka Ingriiska ayaa kaalinta 12 kaga jira dalalka laga helay dadka ugu tirada badan Coroanvirus, kaas oo sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins dadka laga helay cudurku ay ka badan yihiin 657,000 oo qof, halka dadka u dhintayna ay yihiin dad kor u dhaafaya 43,000 oo ruux.

Masuuliyiinta uu ugu horreeyo raysal-wasaaraha Britain Boris Johnson, ayaa ku baaqaya in la raaco tallaabooyinka lagu xakamaynayo xanuunka si looga gaashaanto mawjad labaad oo cudurka ah.

 

‘’Nidaam cusub oo saddex heer ah oo xayiraadaha gobolka ‘Covid-19’ ee England “waa wadada saxda ah ee horay loogu socon karo ayuu raysal-wasaare Johnson, saddexda heer ee khatarta ayaa kala ah derejo hoose mid dhexe iyo mid sare, kuwaas oo ay ku kala qaybsan yihiin gobollada Ingriiska.

Tusaale ahaan gobolka Liverpool lama ogolaan doono isku imaatinada baararka iyo xayiraadaha xanuunka oo si buuxda uga dhaqan geli doona halkaasi. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga