Dawladda libya waxay xidhay taliyihii hor ee ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Libya, kaas oo ay baadi goob ugu jirtay hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol.

Dawladda ay qaramada midoobay aqoonsantahay ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayso janaraalkan hore oo sidoo kale ay qaramada midoobay kusoo rogtay cuno qabatayn.

Abdulraxhamn alMilad ayaa lagu eedaynayaa in uu qayb wayn ku lahaa dad laga ganacsaday iyo kuwo si sharci darro ah loo galiyay gudaha qaaradda Yurub.

Wasaaradda arimaha dudaha ee Libya waxay xustay in janaraalkan hore ay kasoo xidhay gudaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli, kadib xeer ilaalinta Libya oo fulinaysa codsi uga yimi booliska caalamiga ah ee Interpol.

Dalka Libya waxa ka jirta colaad iyo musuqmaasuq xadhkaha goostay tan iyo sanadkii 2011, xiligaas oo dawladdii Libya la riday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga