Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay mudada ay xayirnaan doonaan duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya iman jiray, iyadoo dhanka kale kordhisay fasaxyada iskuulada iyo jaamacadaha gudaha dalka.

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo xalay hadlay ayaa xusay in illaa inta war danbe uu dawladda kasoo baxayo lasii hakin doono duulimaadyada taagan ee Soomaaliya, maadaama khatarta caabuqa Covid-19 ay wali taagantahay. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale dugsiyada quraanka, sikuulada iyo jaamacadaha dalka sheegay in ay sii xidhnaan doonaan.

Soomaaliya ayaa laga helay illaa 3 kiis oo caabuqa Covid-19 ah, isla markaana waxa hadda ay dawladdu dedaal ugu jirtaa sidii ay u xakamayn lahayd fiditaanka xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga