Hay’adda caafimadka Qaramada Midoobay ee WHO ayaa shaacisay in todobaadada soo socda ay tirada dadka uu haleelay caabuqa Covid-19 ay gaadhayaan hal milyan oo qof guud ahaan caalamka oo dhan.

Tirada dhimashada iyo kiisaska cusub ee la helayo ayaa si aan caadi ahayn u kordhaya isla markaana ku socda xawaaare sare, iyadoo wadamada qaar ay maalin walba jibaar noqonayso tirada la helayaa.

In ka badan 900,000 oo qof ayaa hadda caabuqa qaaday, iyadoo wadamada Maraykanka, Isbaanishka iyo Ingiriisku ay kusoo warameen maalintii ugu dhimashada badnayd mar kale. In ku dhaw 900 oo qof ayaa 24-kii sacadood ee lasoo dhaafay u dhimatay caabuqa gudaha Maraykanka, Ingiriiska ayaa isna diwaan galiyay 563 dhimasho ah, halka Isbaanishkana ay ku dhinteen maalintii Axadda 864 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga