Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir gudoonka ururka jaamacadda carabta si rasmi ah ugu warejisiay dawladda Ciraaq.

Wasiirka arimaha dibadda Ciraaq ayaa dhigiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, kala wareegay shir gudoonka.

Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada Falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo Falastiin leedahay caasimadeeduna tahay magalada Qudus. 

Wuxuu intaa ku daray in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada carabta qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya. Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto khatarta waxa loogu yeedho argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta in ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga