Raysalwasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netenyahu, ayaa balanqaaday in uu qabsan doono dooxada Urdun ee dhulka Falastiiniyiinta, hadii uu mar kale ku guulaysto doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo deegaanada Israa’iil.

Wadamada carabta ayaa si wayn uga cadhooday tallaabada Israa’iil, iyagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin.

Dawladda Sucuudiga ayaa ku jirta wadamada cambaareeyay dhul-balaadhsiga ay wadaan Yuhuuddu.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo shir gudoominayay kulankii wasiirada arimaha dibadda ee Carabta ayaa sidoo kale sheegay in qadiyadda reer Falastiin ay wali taagnaan doonto, illaa inta dhulkooda oo madax banaan ay helayaan.

Israa’iil ayaa sanado badan wada in ay isku fidiso deegaanada Falastiiniyiinta, iyadoo wali isku dayaysa in ay qabsato deegaano badan oo cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga