Siyaasada Shiinaha Go out oo la fuliyay sannadkii 1999, ayaa keentay in Afrika  loo diro shaqaalaha shirkaddaha dawladda , waxaana la raaciyey lacag maalgelin ah , 200, 000  oo ah shaqaalaha dhismaha oo isugu jira Engineero , turjubaano iyo madaxda shirkaddaha , ayaa ku sugan  Afrika sida lagu sheegay xog uruurin rasmi oo la sameeyay 2017, shaqaalaha dib ugu duulo Shiinaha sannadkii hal mar ama laba jeer si ay u booqdaan qoysaskooda

Qaar ka mida shaqaalaha  ayaa marka ay ka dhammaadaan  qanadaraasyada ay la galeen shirkaddaha  dawladdu , ayaa sii jooga, waxaana ay samaystaan  ganacsiyo gaar u leeyihiin Howard French , oo ah qoraaga buuga la  yidhaahdo China’s second continent , waxa uu sheegay in hal oo muhaajiriin  ahi ay ay Boqortooyo cusub ka dhisayaan Afrika , illaa laba milyan oo Shiinis oo shaqaale ah ayaa ku sugan  Afrika .

Afrikaanka , ayaa u taga Shiinaha  si lacag u sameeyaan , si aan la mid ahayn Shiiniska  wadamadoodu ma taageeraan , qaarkood waa ganacsato Shiinaha  u tago si ula galaan heshiisyo alaabta Shiinaha lagu geynayo dalalkooda iyo gobolkaba Guanghou ayaa ah meesha  ku sugan muhaajiriinta uga badan ee Afrikaanka ahi , waa magaalo xudun u ah wershadaynta oo ku taalla Koonfurta Shiinaha . Dawladda  Shiinuhu waxa ay sheegtay in ay magaaladaasi ay booqdeen 200, 000 oo Afrikaan ah 2016

Waxa u fudud  safarada ganacsiga ee u dhexeeya Shiinaha  Afrika oo kordhay 600% tobankii sanno ee u dambeeyay .

Dalxiiyaasha ugu badan  Afrika ka soo booqda Shiinaha , ayaa ka yimaada magaalada Shanghai , waxaana  ay kharash gareeyaan 1,683 Dollar toddobaadkii .

Magaalooyinka  ugu badan ay booqdaan Shiinisku ayaa  kala Qaahira , Port Louis Mauritius,  Calablance oo Morroco ku taalla.

Morroco ayaa dal -ku-galku u fududeysay  dalxiisayaasha Shiinisku ah 2016 oo looga dhigay 90 maalmood in ay dalka joogi karaan, 43,000 dalxiisayaal Shiinis ah sannadkaasi , 2017 waxa   booqday 107,000.

Tunisia ayaa iyana  dal-ku-galka u fududaysay , dalalka Botswana  , ETHIOPIA, South Afrika, Rwanda iyo Zimbabwe ayaa iyana  u fudeeyay .

Afrikaanku waxa ay ka yihiin dadka  booqda Shiinaha 2.2%  2018, halka 2009 ay tiradu ka ahayd 1.8.

Shiinaha  ayaa meesha   labaad ee ay waxbarashada u tagaan  ardayda Afrikaanka sannadkii 2018 , waxa lagu qiyaasay tirada  81,000 , waana ardayda shisheeye ah ee ugu badan Shiinaha .

Wadamada  ardaydoodu sannadahan dambe ay tagaa n Shiinaha waxa ka mida Soomaaliya, laakiin lama yaqaan  tirada ardaydaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga