Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaaraysay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda, halkaas oo dad lagu laayay kuwo badanna lagu dhaawacay.

Soomaaliya waxay muujisay in ay la jirto shacabka iyo dawladda Uganda, marka ay timaado weerarada argagixiso ee ka dhanka ahi.

War kasoo baxay WasaaraddaArimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falalka noocan ahi ay wiiqayaan nabadda iyo xasiloonida waddanka.

Weerarada oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda waxa lagu dilay 3 qof halka 30 in ka badanna lagu dhaawacay. Waxa ku jiray xubno ka mid ah ciidamada ammaanka ee Kampala.

Uganda waxay ka mid tahay dawladaha ay ciidamadu ka joogaan gudaha waddanka Soomaaliya, halkaas oo ay qayb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinyta Midawga Afrika ee AMISOM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga