Uhuru Kenyatta wuxuu xilka ka xayuubiyay taliyihii xabsiyada ee waddanka Kenya, jeneraal Wycliffe Ogallo, iyadoo saacado yar kadib xabsiga loo taxaabay.

Waa shaqo ka eryis iyo xadhig yimi kadib fadeexad dul hoganaysa taliyahan oo timi markii xabsiyada ay ka baxsadeen maxaabiis danbiyo culus loo haystay gudaha waddanka Kenya.

Maalintii Isniinta ayaa xabsiga Kamiti waxa ka baxsaday saddex nin oo lagu eedeeyay falal argagixiso, kuwaas oo danbiyo culus lagusoo oogay gudaha Kenya.

Taliyaha xabsiyada ee xilka laga qaaday wuxuu kaliya dhacdada ku sifeeyay fal laga xumaado, isagoo aan faahfaahin ka bixin, taas oo keentay in xilka qaadis iyo xadhig la isku raaciyo taliyahan heerka sare.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga