Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay in ay si wada jira usoo saaraan hub kala duwan iyo maraakiibta dagaalka, kadib heshiis u dhexeeya labada dhinac oo lagu saxeexay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Shirkadaha sameeya hubka ee labada dhinac waxay isla qaateen in ay si wada jira hubkan u farsameeyaan, iyadoo qayb ka ahayd carwada wayn ee dhanka diyaaradaha hawada oo ka socotay magaalada Dabai.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii xidhiidhka labada dhinac la unkay sanadkii tegay markaas oo madaxweynihii hore ee Maraykanku uu qayb wayn ka qaatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga