Warbixinta sanadlaha ah ee hay’ada CPJ ee saxafiyiinta dunida ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay weli tahay wadanka ugu halista badan dunida ee saxafi uu ka hawl galo, iyadoo kaalinta koobaad ka geshay liiska wadamada aan xalin dhibaatooyinka saxafiyiinta.

Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tahay dalka ugu horeeya dunida ee aan la qaban ama cadaalada la hor keenin dadka dila saxfiyiinta, kadib qiimayn la sameeyay oo sanad walba la sameeyo.

Wadamada Suuriya, Ciraaq, iyo Koonfurta Sudan ayaa iyaguna liiska ku jira oo iyagoo ah wadamada ugu badan ee lagu dilo saxafiyiinta, isla markaana aanay helin cadaalad.

Colaadaha, degenaansho-la’aanta siyaasadda, iyo hanaanka cadaalada ama garsoorla oo liita ayaa sabab u ah tacadiyada iyo dilalka joogtada ah ee saxafiyiintu ay wadamadan kala kulmaan.

Hay’adda CJP waxay ogaatay in 81% aan lasoo qaban dadka dila saxfiyiinta dunida oo dhan, taas oo walaac xoogan ku abuuraysa xafiyiinta isla markaana halis gelinaysa shaqadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga