Hindiya waxay diidantahay in ay dhaqan galiso qorshaha ama yoolka dunida uga yaala in meesha laga saaro gaasta wasakhaysan ee hawada dhaawacday, taas oo in la yareeyo ama meesha laga saaro lagu heshiisyahay 50ka sanno ee soo socda.

Xukuumadda Delhi waxay si cad uga hortimi qorshahaas, iyadoo sheegyasa in siyaabo kale ay dunidu u xaliso cimilada dunida e is bedelaysa.

Hindiya waa dalka sadexaad ee gaasta wasakhaysan ee ugu badan dunida kusii daaya marka laga tago Shiinaha iyo Maraykanka, waxayna la kulmaysay maalmihii lasoo dhaafay in ay mawqif cad ka qaadato arimnaha cimilada dunida iyo sidii loo dhimi lahaa kaarboonka hawada.

Hindiya may sheegin qorshe ay iyadu hindistay balse diidmadeeda ayay dadka wax falanqeeyaa ku tilmaameen mid ay kaga gabanayso in ay qorshahan soo raacdo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga