Khasaaraha ka dhashay duqaymo ay ciidamada Itoobiya ka fuliyeen gobolka Tigray ayaa isasoo taraya.

Magaalada Mekelle ayay ciidamada Abiy Axmed Khamiistii ka fuliyeen duqaymo dhimasho iyo dhawaacba leh.

Illaa 10 qof ayaa lagu dilay duqaymahan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka magaalada Mekelle, caasimadda Tigrayga.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayay illaa 8 fuqaymood ka fuliyeen ciidamada Itoobiya gudaha gobolka Tigrayga, iyagoo beegsanaya dagaalamayaadha Tigray balse khasaare soo gaadhay dadka Shacabka ah ayaa lagasoo sheegayaa gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga