Soomaaliya oo hadaladii madaxweynaha Faransiiska ka hadashay

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay hadalo deel qaaf ah oo kasoo yeedhay madaxweynaha Faransiiskam kuwaas oo uu Islaamka ku aflagaadeeyay.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga