Imran Khan, raysalwasaaraha Pakistan wuxuu Muslimiinta dunida ugu baaqay in ay u midoobaan Islaam-nacaybka kusoo badanaya caalamka.

Raysalwasaaare Khan wuxuu warqad rasmi ah u diray dhammaan hogaamiyayaasha wadamada muslimiinta, sida uu ku waramay xafiiska raysalwasaaruhu.

Maalintii Arbacada ayay baxday warqaddu, balse si gaar ah looma xusin wadamada ay gaadhay.

Baaqa Imran Khan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu horaantii todobaadkan dhaliilo xoogan u jeediyay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaas oo uu ku eedeeyay in uu dhiirigalinayo islaam-nacaybka.

Madaxweyne Macron ayaa todobaadkan horaantiisii wuxuu taageeray sawiro nabi Muxammed NNKH wax lagaga sheegay, taas oo Faransiiska u horseeday in badi wadamada Muslimiintu ay meel adag iska taagaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga