Maraykanka waxa la faaruqiyay dukaamo badan oo lagu iibin jiray hubka iyo rasaasta, kadib cabsi xoog badan oo laga baqayo in meelaha qaar ay rabshado culusi ka dhacaan doorashada.

Shirkadda wayn ee Walmart oo leh in ka badan 2,300 oo istoodh kuwaas oo hubka iyo rasaasta iibiya ayaa dukaamadeeda ka gurtay dhammaan qoryaha iyo rasaasta.

Shirkaddu waxay xustay in ay cabsi xoogan ka qabto gobolo badan oo la saadaalinayo in rabshado hub la isku adeegsado ay ka dhacaan.

“Waxaanu aragnay rabshado, sanadadii lasoo dhaafayna dhacdooyin sidan oo kale ahaa nasoo maray. Sidaa darteed, waxa aanu dhammaan dukaamadayada ka gurnay qoryaha noocyadooda kala duwan iyo rasaasta” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Walmart.

Macaamiisha hubka ee shirkadda ayaa wali dalbadan kara rasaasta ama qoryaha, balse lama oga inta ay xidhnaan doonaan istoodhada Walmart.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga