Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay waxaa ay ku faahfaahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.

Wasaaradda, ayaa waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay jiraan ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi, taas oo tirada guud ee dadka u dhintay ka dhigaysa 16 qof, halka ay bogsadeen laba qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dedaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga