Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa taageero u muujiyay diraasad la wado oo lagu ogaanayo xidhiidhka ka dhexeeya cadceeda iyo caabuqa Covid-19.

Madaxa sayniska ee waaxda ammaanka gudaha Maraykanka, ayaa xusay in virus-ku uu yaraanayo marka cadceeda loo bandhigo. Wuxuu intaa ku daray in kulka iyo huurkuba ay noqon karaan hub lagaga hor tagi karo xanuunka.

Qaar ka mid ah bahjda caafimaad ayaa hadalada aqalka cad ku tilmaamay beeno khatar badan.

Waxa jira cadaymo kooban oo laga tixraacayo wadamada uu caabuqu ku dhacay iyo xiliyadooda kala duwan, kuwaas oo dhamaaan muujinaya in caabuqa Covid-19 uu si xoogan ugu faafo meelaha qabow, isla markaana ay dadku si dhakhso ah isugu gudbin karaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga