Tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus adduunka oo dhan, ayaa kor u dhaaftay 2.6 Milyan oo ruux, in ka badan 721,000 oo qof, ayaa kasoo kabtay xanuunka dunida oo idil.

Tirada dadka u geeryooday Coronavirus caalamka oo dhan, ayaa kor u dhaaftay 184,000 oo qof.

Dalka Spain, ayay dhimashada Coronavirus kor u dhaaftay 22,157 qof, halka ay dhakhaatiirta dalka Pakistan ka digayaan musuubi uu sababi karo cudurku haddii la dabciyo xannibaadaha dalkaas lagu soo rogay.

Lataliye sare oo dawladda Ingriiska kala taliya arrimaha caafimaadka ayaa sheegay inay suurtagal noqoto sii socoshada kala fogaanshaha dadka illaa dhammaadka Sannadka.

Dunida oo idil waxaa kor u kacay daawashada muuqaallada Online-ka lagu daawada sida Filmada iyo ciyaarista ciyaaraha Online-ka tan iyo intii dalalka ay soo rogeen xayiraadaha.

Bisha cas ayaa ku baaqaysa aasidda maydadka si habboon, halka uu Shiinuhuna 30 Million oo dollarka Maraykanka ah oo dheeraad ah uu ugu deeqayo haayadda caafimaadka adduunka ee WHO.

Warbixintan oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa is bedbedelaysa saacaddba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga