Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa mar kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Dawladda Shiinaha ayaa Salaasadii si adag uga hortimi, nooc kasta oo ah xidhiidh rasmi ah kaasi oo ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ka dib markii Taiwan ay xafiis-wakiileed ka furatay Somaliland maalintii Isniintii.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian oo ka hadlaya arrintan ayaa yidhi ‘’Dunida Shiinaha oo keliya ayaa ka jira, Taiwan waa qayb kamid ah dhulka Shiinaha oo aan laga maarmi karin.

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian oo ka hadlayay war-saxaafadeed maalinle ah, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in mabda ah Shiinaha oo keliyi uu yahay caalami isla markaan uu jiro heshiis ballaadhan oo ka dhex jira bulshada caalamku.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa ku eedeeyay xisbiga Dimuquraadiga ah ee Taiwan Democratic progressive Party, uu yahay mid fashilmay gaar ahaan siyaasaddiisa uu ku kala goynayo Shiinaha.

Soomaaliya ayaa cambaaraysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaanay sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madax-bannaanideeda dhuleed.

Qoraalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoona lagu xusay inaanay marnaba raalli ka ahaan doonin kala qaybinta dadkeeda.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu Shiinuhu ka hadlo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, hore wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa uga hadashay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, Hore waxaa Somaliland u yimi wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, balse warkan cusub ee uu Shiinuhu soo saaray, ayaa imanaya kadib markii ay Taiwan si rasmi ah xafiis-wakiileed uga furatay Hargeysa, xafladda xafiis-wakiileedka Taiwan ee Somaliland, ayaa waxaa ka hadlay madaxwaynaha dalka Taiwan Tsai Ing Wen, wasiirka arrimaha dibadda Joseph Wu oo kaga qaybgalay hab maqal iyo muuqaal ah, halka ay Somalilandna ka qayb galeen masuuliyiin ka socda golaha wasiirrada Somaliland oo uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘’Faratoon, xildhibaanno, siyaasiyiin, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga