Rasaas ayaa laga maqlay saldhig ciidan oo u dhow magaalada Bamako ee caasimadda waddanka Maali, maalintii Salaasadii.

Safaaradda Norway ee dalka Maali, ayaa sheegtay shakiga in rasaastaasi ay ahayd ‘’gadood-ciidan’’ xilli ay gobolkaasi ka socdaan qalalaase siyaasadeed.

Wararka ka yimi Maali, ayaa sheegay in ciidamadu ay rasaasta u ridayeen cirka, saldhigga Militari oo ku yaalla magaalada Kati, taas oo qiyaastii 15 Km amaba 9 Mile u jirta caasimadda Bamako. 

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeed taangiyada iyo baabuurta gaashaaman ee ciidamada oo dhex taagan waddooyinka magaalada Kati, iyadoo wakaaladda wararka ee Associated Press-na sheegtay in afhayeen u hadlay ciidamadu uu u xaqiijiyay jiritaanka warkaasi, balse aanu faahfaahin ka bixin.

Safaaradda Norway ee dalka Mali, ayaa muwaadiniinteeda ku boorrisay taxadar dheeri ah, safaaraddu waxay muwaadiniintooda u sheegtay suurtagalnimada kacdoon-ciidan iyo inay guryaha ku sugnaadaan.

Farriin ay safaaradda Faransiisku u dirtay muwaadiniinteeda Salaasadii, ayay ugu sheegtay inay guryaha ku jiraan.

Quwadaha gobolka ayaa ka warwarsan xaaladda Mali iyo inay xasillooni darraadaasi sababi karto rabshado daba dheeraada.

Sannadkii 2012-kii, kacdoon Military oo ka dhacay saldhigga, ayaa xilka lagaga tuuray madaxwaynihii Mali Amadou Toumani Toure.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga