Dibad-baxyo waawayn kadib shacabka Mali waxay u muuqdaan kuwo ku dhaw helida rejo ay muddo naawilayeen.

Madaxweyne Ibrahim Keita, hogaamiyihii Mali ayaa is casilay xalay saqdii dhexe kadib milatariga dalkaas oo xoog kula wareegay gurigiisa. Isagoo mask-ga afka lagu daboolo xidhan ayuu warbaahinta dawladda ka sheegay in uu is casilay, isla markaana kala diray dhammaan xukuumaddiisa iyo Golaha Qaranka.

Isagoo daal badani ka muuqdo ayuu 75 jirkani yihdi “ waxaan qabaa in dhiig aanu ku daadan in aan xilka sii joogo, waxaanan go’aansaday in aan iska casilo xafiiska” 

Subaxnimada Arbacada ayaa la arkayay dad aad u badan oo u debaal degaya is-casilaada madaxweynaha.

Mucaaridka Maali ayaa taageeray ciidamada talada la wareegay ee xukuumadda ku khasbay in ay meesha ka baxdo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga