Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Kongo ayaa ku warrantay in madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, uu ka dalbaday madaxwaynaha dalkaasi Kongo Félix-Antoine Tshisekedi, inuu fududeeyo wada-xaajood dhex mara dhammaan daneeyayaasha ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, kadib muddo kordhintii golaha shacabku u sameeyay xukuumadda madaxwayne Faraamjo muddo laba sanno ah.

Madaxwayne Felix Tshisekedi, madaxwaynaha Kongo ayaa haya jagada madaxwaynenimada ururka midowga Afrika, waxaanay madaxtooyada dalkaasi sheegtay inuu soo dhaweeyay sida madaxwayne Farmaajo uu u doonayo, isla markaana uu la xidhiidhayo dhammaan dhinacyada Soomaaliya si loo helo baa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada dalkaasi kasoo baxay nabad waarta

Madaxtooyada dalka Koongo waxay barteeda Twitter-ka ku baahisay qoraalladan, marar kala duwan maanta, waxaanay bilowgiiba sheegtay in dalka uu soo gaadhay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, madaxwaynaha Soomaaliya oo uu qaabilay Felix Tshisekedi, oo haya jagada madaxwaynaha midowga Afrika.

Villa Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga