Shiinaha iyo Maraykanka ayaa markii ugu horaysay waxay si wada jir ah iskula qaateen in ay ka wada shaqeeyaan arimaha cimilada.

Washington iyo Beijing oo ah labada dawladood ee kaarboonka ugu badan kusii daaya dunida ayaa imika raba in ay xakameeyaan wasakhawga hawada oo qayb ahaan saamaynaya dhaqaalahooda marka ay dhimaan.

Kadib wada hadal dheer oo ay yeesheen labada ergey ee cimilada u qaabilsan labada waddan, waxay isla qaateen in wadamada kale ee dunida ay isla kaashadaan sidii xal looga gaadhi lahaa cimilada dunida ee is bedelaysa iyo saamaynta kaarboonka hawada lagusii daayo ee malaayiinka warshadood ee wadamadani ay sii daayaan maalin walba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga