Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo gelisay barteed bulshada ee Facebook ku sheegtay, inay u gudbisay golaha ammaanka qaramada midoobay mawqifkeeda ku saabsan wada xaajoodka saddex geesoodka ah ee uu hoggaaminayo ururka midowga Afrika, kaasi oo ku saabsan biyo xidheenka ay ka dhisanayso webiga Niilka buluugga ah oo magaciisa loo soo gaabiyo GERD.

Itoobiya waxay ugu baaqday xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) inay ka codsadaan Masar iyo Suudaan inay ku noqdaan wadaxaajoodka saddex geesoodka ah ee ku saabsan buuxinta iyo howlgalka sanadlaha ah ee biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayna ixtiraamaan hannaanka uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Warqad ku socotay Madaxweynaha hadda ee golaha ammaanka qaramada midoobay 16-kii Abriil 2021, ku-xigeenka raiisul wasaaraha Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibada, H.E. Demeke Mekonnen wuxuu dib uxasuusiyay geeddi socodkii ay hogaaminayeen Midowga Afrika inuu u riyaaqay taageerada buuxda ee golaha amaanka ee qaramada midoobey iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da iswaafajinta iyo in la helo xalka Afrikaanka ee dhibaatooyinka Afrika.

Si kastaba ha noqotee, Masar iyo Suudaan si niyad sami ah ugama gorgortamayaan diyaarna uma ah inay sameeyaan tanaasulaad lagama maarmaan ah si loo gaaro natiijo guuleysata, ayuu yiri.

Wuxuu intaas sii raaciyay in labada dal ay doorteen inay “carqaladeeyaan” gorgortanka iyo inay “caalamiyeeyaan” arrinta si cadaadis aan loo baahnayn loo saaro Itoobiya.

Warqaddu waxay xaqiijisay ballanqaadkii aan kala go’a lahayn ee Itoobiya iyo kalsoonidii ay ka qabtay gorgortanka saddex-geesoodka ah ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika waxayna muujisay sida dalku ugu mahadcelinayo dadaalka dhabta ah ee Koonfur Afrika iyo hadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo si wax looga qabto arrinta iyada oo la raacayo xallinta dhibaatooyinka Afrika.

Waraaqda ayaa sidoo kale dib  u xustay hindisihii Itoobiya ee ku saabsanaa isdhaafsiga xogta kahor intaan la bilaabin buuxinta labaad ee biyo xireenka xilli roobaadka soo socda, taas oo labada dal ay diideen.

Ku adkaysiga labada dal ee ah in la ilaaliyo xaalada xaq darada ah iyo in la joojiyo isticmaalka biyaha Itoobiya ee GERD iyada oo marmarsiiyo looga dhiganayo “heshiis dhameystiran oo isku xir ah” waa mid aan la aqbali karin, ayaa lagu yiri warqadda.

Warqadda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday sida adag ee ay Itoobiya uga go’an tahay Baaqa Mabaadi’da (DoP) oo ay saxiixeen hoggaamiyeyaasha saddexda waddan waxaana lagu xusay in Masar iyo Suudaan ay cusbooneysiinayaan ballanqaadkoodii ahaa inay ku hoos galeen DoP.

Gabagabadii, warqadda waxaa lagu caddeeyay “Isku day kasta oo lagu cadaadinayo Itoobiya” iyo in dhinac la iska dhigo hannaanka ay hoggaamiso Midowga Afrika “waxay sii wiiqaysaa kalsoonida iyo kalsoonida saddexda dal”.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga